Sunday, April 13, 2014

maahmaah

 1.Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
3. Aar qoyey dacawo la mood.
4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
8.
9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10. Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
11. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
12. Abuur iyo waano abuur baa horreysey.
13. Adduun i khatal.
14. Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.
17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
18. Adhi magantii ma barriiyo.
19. Adhi shidho laga daayo.
20. Adhi-jiri ma kala abaal weydo.
21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
23. Aduun wey ki amoodeey ogaaw.
24. Af aamusani marti ma sedo.
25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
27. Af aanad lahayn lama qabto.
28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo.
29. Af daboolan dahab.
30. Af Daboolan, Dahab waaye.
31. Af hadlaaba aamus.
32. Af jabtay sideedii ma noqoto.
33. Af jooga looma adeego.
34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.
36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.
37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa
38. Af wax cunay xishoo.
39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan
41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
42. Af-ka nool abooto mudac.
43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
45. Afkii dab yiri ma guban.
46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto
47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
49. Alla aamin ma iisho.
50. Alle watow wehel uma baahna.
51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
56. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
61. Aqal libaax lafo lagam waayo62. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan.
63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.
65. Aroos lagama raago, lagumana raago.
66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
67. Arrimo rag waa mudacyo afkood.
68. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.
70.Arrin xumo abaar ka daran                           

maahmaah xarafka B

.1. Baadi nin aan lahayn bay agjoogtaa
2. Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa.
3. Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
4. Baddu waa isku dhadhan.
5. Badhi mag ma laha.
6. Balaayo laba qad ha kuu jirto.

7. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
8. Balaayooy buulkaagaa laga galaa.
9. Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
10. Ballaysin bir ka adag.
11.Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa.
12. Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya
13. Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
14. Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa.
15. Barasho horteed dad ha nicin
16. Barasho horteed ha i nicin

17. Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.
18. Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
19. Barrooriba buulkeeday ku hartaa.
20. Bartii yaqaan, bari uma korodho.
21. Bartii yaqaannbar xoolaad kuma korodho.
22. Baruur qudhuntay baa baruuro badan qudhmisa
23. Baruuro sabool, badhaadhaa leh.
24. Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
25. Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
26. Basari buulkeeda bayaayo waaye
27. Baso waa baso si kastoo loo subko.
28. Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
29. Beec-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye.
30. Been doode been buu dhaartaa.
31. Been fakatay runi ma gaadho.
32. Beeni raad ma leh.
33. Beentaada hore runtaada danbay u xuntahay.
34. Beentaada hore, runtaada dambey dishaa. 
35. Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay. 
36. Beer wax dhalow ba' 
37. Beerka jecli, xaydha jecli. 
38. Belaayo aanad guriga keensan banana kaama raacdo. 
39. Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso. 
40. Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto ma leh.
41. Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho.
42. Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay
43. Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
43. Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
44. Bilaysini Bir ka adag
45. Bililiqo doon waa nabad diid.
46. Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso
47. Bir baa bir goysa.
48. Birta adag dab ayaa lagu jilciyaa.
49. Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood
50. Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso.
51. Biya sar tegey waa la sugayaa
52. Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
53. Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
54. Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen.

56. Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
57. Biyo socdaa biyo fadhiyey kiciyaan.
58. Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aana baa xun.
59. Boraan hadimo ha qodin ku dhici doontaa mooyee
60. Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa
61. Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa 
62. Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame                                                                        

maahmaaho xarafka C

. Caana daatay qabasho ma leh
2. Caano baqay haddaad aragto, waa bi'iso naagood.
3. Caano Jiilaal canba canbid.

4. Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa.
5. Caasigaa iridkaaga ma mooga, baarri dadow dad kuuma noqdo.
6. Cabaabiba cadaab bay ka subxaanalaysataa.
7. Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay.
8. Cadho walaal waa la bariyaa (waa loo dulqaataa walaalkaa
9. Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil. 
10. Calafkaa, nin ku rabaa baa haya. 
11. Caleen qudhac calool geel ma buuxiso. 
12. Caleen qudhac calool geel waxba kama tarto. 
13. Cali noolba wax sii. 
14. Calool adayg waa illaahay wehelkii. 
15. Calool rag waa webi xagaa. 
16. Canaan ka yaab ceesaan ma doojo(waa lagu canaanan dantaada looma seego). 
17. Canaan ka yaab reer ma doojo. 
18. Canbe laf baa ku jirta. 
19. Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa 

20. Caqli gaaliyo indho quraanjo lama arko. 
21. Caqli: Dugaag sankuu ka galay; Xoolo, sankuu ka galay; Rag, xabadkuu ka galay; Naago, indhuu ka gala 
22. Car faruurow foori gaalee? 
23. Carab 24. Carab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw iyana way is qaniinaan. 
25. Carab loaad caws looma tilmaamo. 
26. Caro walaal waa la bariiyaa (subax baa lala sugaa).
27. Carraabo, fadhaa quusiyey
28. Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama garto.
29. Carruurey cayntaa ba´day.
30. Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh
31. Carruurta mulaca cayaar cayaar bay u dishaa, isagana waa u qur gooyo
32. Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu daraa.
33. Caruuri waa ciil laga waynaado
34. Casaan qurux kama qatana.
35. Casarkii wixii kugu dhacaa cishihii lagugu caayaa.
36. Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo
37. Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego.

38. Ceel biyo lihi ma foga.
39. Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa.
40. Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa.
41. Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa saarta (fuula, u baxa ama ka qabsada).
42. Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar
43. Cidlo ciirsi m leh.

44. Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan
45. Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laabna.
46. Cirmigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa.
47. Ciyaar baa dhab u gadoonta.
48. Ciyi waa ka beryey.
49. Ciyigii waa ka beryey qofkii cunay baa ka liita.
50. Ciyowga habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu dareemay
51. Col hortii baa hub la samaystaa.
52. Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa.
53. Col iyo nabad mid baa caynka lagu xejiyaa
54. Col ku galay cabsi kugu reeb. 
55. Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kcday midna ma sahal kuma qaboobo. 
56. Colka wadhaf ma lagu dayey. 
57. Colkaa ma dhamaadee ka kuu xigo ha u danbeeyo.
58. Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho.
59. Culimo dad u eki bay kugu dishaa, abeesona dhul u eki.
60. Cuntadaan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kala raagaan                                            

maahmaaho xarafka D

1. Daacadi ma hungowdo
2. Daahdaahow hortiis dafo waaye (Arrin degdeg u baahan lagama daaho sida heblaayo aad ogayd ooy hebel 
3. Daawo tiro wax kuma tarto 
4. Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid. 
5. Dab ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo 
6. Dab iyo xanuun meel ma wada fadhiistaan. 
7. Dab munaafaq shiday baa duul dhan guba.
8. Dabaan kuleelkiisa la arag danbaskiisa lagama leexdo.
9. Dabada iiga qor anigaa durugsan doonee (Ma dhiirrado nin aan garab wax lagula dhisayni). 0. 10.Dabagaale timir gaari waayey qaraara buu yiraahda'.
11. Dabalaay gooji ama ha goojin geela gu'ga dhalay uun baa lagugu tirin.
12. Dabeecad xuma dad kaa saartay.
13. Dabeecaddu diinta waa ka badh.
14. Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
24. Dad waxa ugu muran badan jaxar iyo jaahil 
25. Dad waxa yaqaan nin tuugsaday iyo nin u taliyey. 
26. Dad waxaa yqaan nin tuugay iyo nin u taliyey. 
27. Dadku hadalkay isku afgartaan xooluhuna urta. 
28. Dadqal looma gurguurto. 
29. Dagaal qofbaa ku dhintee qof kuma dhasho. 
30. Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta. 
31. Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa. 
32. Daleel marow maradiis geed ma daarow 
33. Dameer dhaan raac. 
34. Dameer waa dameer sidii goodirkaba haw boodee 
35. Dameeraha Adari qofkii oodda ka qaadaa aroorsa. 
36. Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha 
37. Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul. 
38. Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan. 
39. Dameeri dhaan raacday. 
40. Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa. 
41. Dameero awdalan ninkii ooda ka qaadaa arooriya. 
42. Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay. 
43. Dameertu inta aanay cida baran ayey dhuusada barataa. 
44. Dameertu isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa. 
45. Dameertu ma hadhsato ilmaheedana ma hadhiso. 
46. Dammeeraley Dad la xeer maaha. 

47. Dan iyo xarrago is weyday.
48. Dan layskuma naco.
49. Dani waa seeto
50. Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
51. Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
52. Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa.
53. Dantii mooge, maro duuga ka liitee.
54. Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya
55. Darandoorriyaaba naas-naasi (Nin ordaaba istaag
56. Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey meel laga bilaaboayey leedahay
57. Dardaaran waa inta xayga la yahay.
58. Dawaco geel ma cunto. 
59. Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu bakhtidaa 
60. Dawarsato dariiqay ku collowdaa. 
61. Deero waa dal maddays. 
62. Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa 
63. Deriskaaskaa m64. Dhabada yari dhabada wayn bay kugu ridaa. 
65. Dhac dushii laguma wada hadlo. 
66. Dhadhan shaa waalan dhergaana ka sii daran. 
67. Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa 
68. Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer 
69. Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid 
70. Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee? 
71. Dhalaan dheelaa baradi,dhusuntaa far koo galiyee = Dhalaan (caruur,ilmo,ubad)ciyaarta bartay dabaduu 
72. Dhalaan qayladu waa qaboonada. 
73. Dhaliili dhaban bay ku taal. 
74. Dhalinyaro dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbay leedahay. 
75. Dhallaan dhargay fartaa loo lulaa (way iska qoslayaan) 
76. Dhallaan qayladii waa qaboonada. 
77. Dhar kaa dheer dhaxan kaama reebo. 
78. Dhaxal gorayo dhabad baa leh. 
79. Dhaxal goroyo dhebed baa iska leh. 
80. Dhedo roob noqon weydey 
81. Dheere iyo gabane un baa jiree, Dhuubane majiro. 
82. Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro. 
83. Dheg haddii la jaro daloolkaa hara. 
84. Dheg wax xun maqlaysaa wax wacan ma weriso. 
85. Dhegta hadii la gooyo daloolkaa hadha. 
86. Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye. 
87. Dhib lagula qabo dhib ma eh. 

88. Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa.
89. Dhidar xabaalo qod bartay qudhin buu uga dhacaa.
90. Dhiig islaan ma qarsoomo.
91. Dhiil maran iyo dhiil buuxa la iskuma dhufto (Wax aan isu qalmi la isma dhaafsado).
92. Dhilaa la waaniyey markaasay tidhi ii dhakhsada rag bay sugayee.
93. Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa
94. Dhilo garcatay mar horey ku nabad gashay.
95. Dhoofaa kaa dhimay! (bal tan ka warran, ma run baa?)
96. Dhoofaa kaa dhimay.
97. Dhool bari ka soo kacaa dhaan loo nageeyaa.
98. Dhubuq-dhubuq hore dhabanahays dambey leedahay.
99. Dhur waa la tegis bartay ka ridistu waa ku ceeb.
100. Dhurwaa dhoomo laguma rarto.
101. Dhurwaabaa lagu yidhi fool xumadaa, markaasuu yidhi walaalkay weerana ma aragteen.
102. Dhuumashada dhabarku muqdo dhuumasho ma aha.
103. Dib u gurasho dib bay kuu dhigtaa.
104. Dibi hooyo xumi hore uma koro.
105. Dibi hooyo xumi korme ma noqdo.
106. Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo.
107. Dibi, bay waw dhutiyaa.
108. Diidiink wma danbar manuujiyaaw = Diinku ubadkiisa eegmaduu ku koriyaa.
109. Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa
110. Dixrigu(duqsigu) dantiisuu qudhunka ugu jiraa.
111. Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa. eelshee deymoodaa ka koriyee
112. Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa.
113. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso......
114. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo kurug, kurug ma dhaafeeyso.
115. Dooro qoor qabasho biyo kuma cabto.
116. Dooro xaarka way wada cuntaa, af-tirashadeyse isku dhaantaa.
117. Doqon alle bariday xeradeeday ka aragtay.
118. Doqon dib bay wax ka garataa.
119. Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan.
120. Doqon iyo habeen baa madaw.
121. Doqon milantay iyo geesi damac bartay dhexdoodaa miidaamo ka hacdaa.
122. Doqon nebi Muusaa habaaray
123. Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto.
124. Doqon sokeeye maaha.
125. Doqoneey dabkaa ba
126. Doqoni amaanay lahayn bay u rixisaa. 127. Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
128. Doqoni calaf ma leh.
129. Doqoni haddii nla xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa.
130. Doqoni hoosiis bay had mooddaa.
131. Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiye sema oga.
132. Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meer meerisaa.
133. Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo
134. Doqoni sokeeye ma aha.
135. Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa.
136. Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa.
137. Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
138. Doqoniino waa shil.
139. Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; "Maxaa la iiga farxi berriba waan lumiye.
140. Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa haday garan waydana goshaa oo geshaa.
141. Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil.
142. Doqontu hadalkay dib u gocotaa*
143. Doqontu marka la ficil tamayo in laka tagayo ayey moodaa.
144. Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso. 145. Dudumo dheeraataa dhulkuun bay ku noqotaa.
146. Dudun dareen ii dugsasho inis ki dartooy = Dudun dareen iyo dugsasho,ha iskugudarin.
147. Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy.
148. Dukhsi biyo ku dabaal bartay fuud buu ku bakhtiyaa.
149. Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu jiraa.
150. Dukhsi dantiisuu dumurka ugu jiraa.
151. Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre?
152. Dul qaadasho yey noqon tii dibiga
153. Dumaal ni ka xishooday kama ilmo dhalo.
154. Dumar iyo dheri toona yar yaraysi malaha.
155. Dumar yaryaraysi male
156. Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.
157. Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa
158. Durduro geel baa ku jaba.
159. Durduro waxarood xanan(qodax) bay kula gashaa.



15. Dacartuba mar bay malab dhashaa.
16. Dacas iyo dameeraba lama kala laha.

17. Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
18. Dacawadii tallaabada nebiga ku dayatay, teediina ka tagtay tu kalena gaari weydey.
19. Dacawo duul-duul badan af libaaxeey dalaq dhahdaa.
20. Dad iyo weel godanba waa la badsadaa (weelka godan biyahaa ku urura)
21. Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hanfiyaan.
22. Dad wax ugu liita ma tashe ma toshe ma tashiishe.
23. Dad wax yar tare ma ahee, wax ma tare ma leh.

maahmaaho xarafka E &F

1. Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin.
2. Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso.
3. Eydin geel kolba waa ninkii ku danbeeya.
4. Eygii oo laf diiday ma noola
1. faan badan iyo faq badaniba na wacna. 
2. faanoole fari kama qodna 
3. fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa. 
4. falaadhi gilgilasho kaagama godo. 
5. Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo 
6. Far bugtaa, Faro ka dheer. 
7. Far iyo meel bugtaa is og. 
8. far kaliyihi waji ma maydho. 
9. Far keliya Fool ma dhaqdo. 
10. faras aanad lahayn fuul madiisa futaqaradh baa laga qaadaa 
11. Fardaha dheereeyaa Fagaarahay isku arkaan. 
12. fardo laysu hayo maxaa laysugu faan. 
13. farihii dufan leh ayaa wax duuga. 
14. faro ka ciyaar dabo ka ciyaar baa dhaanta. 
15. Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa
16. Faruurow maxaa berbera ku geeyey? Dee faduul!
17. fulay hooyadii ma goblanto.
18. fulay wax ka wadne weyn
19. fulay wax ka qoryo badan.
20. fullaw guuli kuu dhawaydaa.
21. Futo iyo dhul isma huraan

 

maahmaaho xarafka G

2. Gaashaan qaad ma anbado.
3. Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara
4. Gabadha dheg-dameer in leeg baa ku dansanta wiilkana in til leeg baa ku darsanta
5. Gabadhi waa meel xun joog.
6. Gacani waa miskiin.
7. Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa.
8. Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa?
9. Gacmo wada jirbay wax ku goyn karaan.
10. Gadal gadaal geed looma koro
11. Gadhba gadhbaa la tusaa.
12. Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay
13. Gar waa loo wada islaam
14. Gardarraa ma guulaysto
15. Gardarro looma garbo yeelo.
16. Gari ilaahay bay taqaan
17. Gari laba nin kama wada qosliso.
18. Gaws iyo gustoona layskuma ag dhaqdhaqaajiyo.
19. Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan.
20. Geed walba in gubtaa, waa hoos taal.
21. Geel carruuri qaaday ma foga.
22. Geel caruuri qaaday ma foga.
23. Geel darreeray nin ka dayrshay ma awliya allaa
24. Geel indho kuul muxuu ka kasaa?
25. Geel laba jir soo wada mar.
26. Geel soddon qaday, saddex kuma dari waayo
27. Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel
28. Geel-jire isagooy ushu u goantahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
29. Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa
30. Geelow geed walba daaqdaye, markaad ciin daaqdaa laguu yaabaa.
31. Geeri nimaan aqoon iyo geel jiray ku wanaagsantahay. :)

32. Geeriyu nin aadan aqoonin iyo geeljiray ku roomntahay.
33. Gees loaad kulayl kaa lagu jaraa.
34. Gees lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa.
35. Geesi allaahay ma xilo.
36. Geesi, alle ma xidho.
37. Gobanimo waa joome.
38. God hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid
39. God mar ku asturay xumaantiisa lama sheeg sheego
40. Gorayo la hub sayoo haad bay noqotay.
41. Gorgor, haadda ka weyn.
42. Gorgortan saaxiib iyo walaal toona ma yaqaan.
43. Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin.
44. Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn.
45. Gumur uraasa, weyne gurudee (gumur wey urtaa waana lagurtaa)
46. Gurbaan garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo.
47. Guur marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dambena waa sino ballaaran ahay.
                                      maahmaaho xarafka H
1. haad habeen kacay waxbaa kiciyey.
2. haani guntay ka tolantaa.
3. habaar waalid ma hadho.
4. habar baas inan baas bay ahayd.
5. Habar caal weydey durey bay hafartaa
6. habar dhali wayday aleelo ku waalatay.
7. Habar fadhida legdini wax uga fudud
8. Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa
9. Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa.
10. Habeen ciidan maaha
11. habeenkii hoos baa loo hadlaa maalintiina hareera haa layska eegaa.
12. hadal aan fiiro loo odhani wuu kula fogaadaa, caano aan fiiqsi loo dhamina feedhahay wax yeelaan.
13. hadal badani haan ma buuxsho.
14. hadal hadal kama dheera.
15. Hadal intaadan buu ammaan yahay
16. Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan.
17. Hadal iyo hilbaba kala qalan.
18. hadal lama wadaagee caanaa la wadaagaa.
19. hadal nin badiyeyna ma dhamayn nin yareeyeyna waxba kama tegin.
20. Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
21. Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
22. hadal tuurtuur kuma sama.
23. hadal waa dheh iyo dhagayso.
24. Hadal waa la kala odhan og yahay illaahayna waa la kala bariyi og yahay.
25. hadal waa margi.
26. Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
27. hadal waayeel waa guudmar..
Hadal yar iyo hawl badan.
28. hadalaw nin si kuu yidhi hawraarayna ninba si kuu qaaday.
29. hadalka kiisa kulul iyo kiisa qaboobi meel buu isugu tagaa.
30. Hadalka wanaagsani waa sadaqo
31. hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay.
32. Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay.
33. hadalna sii dhehbaa diley hanbana sii hudhbaa dishay.
34. haday fooli timaado gudo qarsiimo reeban.
35. hadba sidii loo jabaa loo dhitiyaa.
36. haddaad been sheegayso been run u eeg sheeg.
37. haddaad hungurooto waa la hadlaa oo habaa la dhisaa wax laug helo.
38. haddaad tagto meel lagu il laayahay ishaa layska ridaa.
39. Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa.
40. Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday.
41. Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan
42. Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd.
43. Haddii aan la kala roonaan roob ma dao
44. Haddii uu deg degsiinyo door dhalo raagsiin yuhuna kiish lacaguu dhalaa.
45. Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa.
46. hadii aad dhimanayso dhareerkaa layska duwaa.
4748. Hal libaax arkaysaa ma godlato.
49. Hal libaax arkaysaa ma godlato.
50. Hal maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa.
51. Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh.
52. halmaan hadal kuma jiro.
53. Hamba soor ma eh
54. Hangaraarac lug uma dhutiyo.
55. Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh
 56. Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey
57. Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa.
58. Hawli jid caddeysay.
59. Hawo iyo hoos galbeed labadaba lama gaadho
60. Heeraa wan ma eh??
61. Heesta geelu waa kala horreysaa.
62. Hilib beer laga dooray waa weyd.
63. Hilib hal dukhsi ayaa qudhmiya
64. Hillaac biyihiisuu muujiyaa.
65. Hoonbaro libaax bay soo wadaa.
66. Hooyadii ka guure habar yartii kuma negaado.
67. Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
68. Hubsiimo hal baa la siistaa.
69. 70. Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa
71. Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag ma aha
72. Hurdo cagahay ka bilaabataa.
73. Hurdo habar ma koriso.
                maahmaaho xarafka I
.1. Ibtilaysan ayaa belaayo tilmaanta.
2. Il ibtilaysan ayaa balaayo tilmaanta
3. illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa.
4. In habari gasho, hali ma qaado.
5. Inantay hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadintay barataa.
6. Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa.
7. Indho is jecel isma eegi karaan.
8. Inneen daaman nool ma daalaan, oo dad baan nahay kaama daayaan.
9. Inta aanad falin ka fiirso.
10. Inta gaari la doon-doonayo, ayaa goombaar wiilkeedu ciidamiyaa.
11. Inta jiillaal loo adkaysto, jir looma adkeysto
12. intaadan falin ka fiirso
13. intii orod jirey, kuftinna way jirtey.
14. Irrid af ma daboole ee ood baa daboosha.
15. Ishaadaa kuu macalin ah.
16. Ishaadu waa kula da' dhegtaaduna way kaa da'wayn tahay.
17. Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay
18. ishiisa laga gartaa, ushiisa lagu tumaa.
19. Isla weyn, dooro weyn.
20. Isma hubsato aroorkeeda ka mashxaradaa la yidhaahdaa.
21. Isma'og aqalkiibay aslaysaa.
22. Isu qabe aan loo qabin.
            maahmaaho xarafka J & k
1. jacayl biri ma gawso.
2 jacayl Biri ma goyso Biyana kaama maydhaan
3. jidh qalaad waa dhul qalaad
.4 jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis
 5. Jinni, Ninkii keenaa bixiya
1. kaadi badane waa loo gogol badiyaa.
2. kab xume ma hadhee kab laawaa hadha.
3. Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba
4. karis xun iyana ku wax la'
5. Kelyo nimaan lahayn bay kaadiyi dishaa
.6 Kibir waa lagu kufaa
7. kibir wuxu kaa saaraa hadhka meelse kuma geeyo
8. kibiraw kab iga xoor faanawna far iga jabi.
9. Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Illaah baa baday.
10. Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma furfuro
11kolka waylaha la helo ayaa loodana la maalaa
12. kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho

BOGA GEERADA

walalahayga soomaliyayd oo meelwalba ka joogan dunida maanta waxan idinku bishareynayna in aan idin soo gudbin doono geeraaro aad uxiso badan oo markaasna aad ka heli doontan INSHA ALLAH.........................................................................................................................................................  Siddii sagal dilaacay
Ama hilaac baxay oo kale
Quruxdu soo ma moodaan
Qaabkaaga wacan baad
Qaarkaa ku dhaaftayee
Inaad tahay anigaa qiraayee
Qiimo malahan caashaqa
Qar qarada hadaadan ka hayn
Qarni walibana wax baa soo ifbaxeeQalanjooy adigaa qaatay laabtee
Qof walibana dabcigiisa meel noqay
danta in leesku garaa
Qalad iyo gaf ineey tahay
Qalanjooy ogsoonoow
Qureyshtii haweenka
Waligeed aduunyada
Waqtigaa qof saacida
Midna waayaha xira
Labadaas waxaan aheyn
Horaa loogu waayoo
Waa nin iyo waagii
Aniguba wasiisiga
Waxaan weyda lahayaa
Iigu wacan waxyeelada
Wiish bay ila sarakacay
Caashaqu wadaad maleh
Walaalowna kuma haro
Waan waanna kala dheer
Waxba haay idabiibina
Wadka aan is aragnee
Waddadiina ka ambaday
Biyo looga waayaa
waanadu idhaaftee
waan kuu xiisay
abaayo macaney
sahan laba sooryo wada cunay sahan dheerna wada galay
saameeyay caashaqu
mid haduu socdaal galo
sanado dhoor ah maqan yahay
salaantii iyo jawaabtii
ka kalaa sugaayee
illeyn waa sedkiisiiyee
kii aan sugaayow
seygey ahaayoow
isugoo yaanan soo noqon
sida nabad amaanee
salfudeydi maayee
sahlanaa amuuraha
bal aan saadsho maantana
sidey noqo allaa ogee
suul dhabne weeyee
marna laguma sabo oo
sida sabi caruureed
kuma seexanaayoo
suney aniga ii tahay
subixii inaan tago
seedaha kasoo jarro
ubaxaan ku saree
tii aan sugaayoo
seygey ahaydoow
isugoo yaanan soo noqon
sida nabad amaanee
salfudeydi maayee
sahlanaa amuuraha
bal aan saadsho maantana
sidey noqon allaa ogeee
sahan dheerna wada galay
saameeyay caashaqu
mid haduu socdaal galo
sanado dhoor ah maqan yahay
salaantii iyo jawaabtii
ka kalaa sugaayee
illeyn waa sedkiisiiyee
kii aan sugaayow
seygey ahaayoow
isugoo yaanan soo noqon
sida nabad amaanee
salfudeydi maayee
sahlanaa amuuraha
bal aan saadsho maantana
sidey noqo allaa ogee
suul dhabne weeyee
marna laguma sabo oo
sida sabi caruureed
kuma seexanaayoo
suney aniga ii tahay
subixii inaan tago
seedaha kasoo jarro
ubaxaan ku saree
kii aan sugaayoo
seygey ahaayoow
isugoo yaanan soo noqon
sida nabad amaanee
salfudeydi maayee
sahlanaa amuuraha
bal aan saadsho maantana
sidey noqon allaa ogeee
laba sooryo wada cunay
sahan dheerna wada galay
saameeyay caashaqu
mid haduu socdaal galo
sanado dhoor ah maqan yahay
salaantii iyo jawaabtii
ka kalaa sugaayee
illeyn waa sedkiisiiyee
kii aan sugaayow
seygey ahaayoow
isugoo yaanan soo noqon
sida nabad amaanee
salfudeydi maayee
sahlanaa amuuraha
bal aan saadsho maantana
sidey noqo allaa ogee
suul dhabne weeyee
marna laguma sabo oo
sida sabi caruureed
kuma seexanaayoo
suney aniga ii tahay
subixii inaan tago
seedaha kasoo jarro
ubaxaan ku saree
kii aan sugaayoo
seygey ahaayoow
isugoo yaanan soo noqon
sida nabad amaanee
salfudeydi maayee
sahlanaa amuuraha
bal aan saadsho maantana
sidey noqon allaa ogeee
laba sooryo wada cunay
sahan dheerna wada galay
saameeyay caashaqu
mid haduu socdaal galo
sanado dhoor ah maqan yahay
salaantii iyo jawaabtii
ka kalaa sugaayee
illeyn waa sedkiisiiyee
kii aan sugaayow
seygey ahaayoow
isugoo yaanan soo noqon
sida nabad amaanee
salfudeydi maayee
Geeraar.
Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo, xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku haaya
.
Geeraar
Dadaal aduunyo iyo dulqaad dib umaan dhigin damac daranaa dusha leyga saaray daaraha dushoodbaa dahab ley suray, dad kulul aan danqasho laheyn dooqaaga haduu galo dad looma eedsado, daahirii rasuulkeena iyo daa’inkii na abuurtaan dartood aan kugu deeyay.
Geeraar.
Ma jiraa jaceyloo?
Ma jiraa jaceyloo, qofaad waanisoo wehel aad kadhigatooa warkiisa aad raacdoo waji aan wacneyn wax tar kaaga dhiga?.
Ma jiraa jaceyloo qoraaf saad satoo saadir aad katuugtoo suubanaantii caashaqa samaantii jaceylka midna aan kusiin?
Ma jiraa jaceyloo qofaad jamatoo jirkaaga moodoo aan jiirnaxaynoo jiriricyo jaceyl midna aan u jeedin?
Ma jiraa jaceyloo qofaan kuu naxaynoo naftaada moodoo nuurkii caashaqa iyo naxariistii jaceylka midna aan ku siin
Ma jiraa jaceyloo qofaad qiima wacan & qaayo wacan u yeeshoo hadana aan kuu qireyn?
Geeraar
Taariikhdaada nolosheyda
kama tirmeyso ee talaahi
aan ku dhaartay talaabkastoo
aan qaado adigaan ku
towaa taajkii arooskaaga
tabaabusheysigiisa aan ku
jiraa ee taajirnimo iima
laabnee toosaneey
taladeena waa toostee
tacab shiid waa ka baxnee.
taariqna an so marnay
talo aan isku racno ,,
Geeraar
Dunidaan dibjirkeeda dayaxa laalaayo, dunidaan da’yarteeda dagaalka loo carbinaayo, dunidaan duqowdeeda nabada aan doonayn, dunidaan labadii is doorato dakano layskugu diidaayo dabkeeda ma yara, ana inaan daacad kuu ahay marna aanan ku dageynin damiirkaada u sheeg, wadnaheyga dushiisa iyo beerkeyga dacaladiisaan darin kuugu dul fidinayaa dareen la’ aan ku dul seexo, hadaadan intaas ku daganeynin laabtaada sii danqaneyso dartaa waalidkeyga ha ii dilo ama duhurkaan ha ii deyrsho deg deg daartaada igu geyso. hadii aan sirqaado hadalka waxa iila siman tahay saxnsaxada roobkiyo,,
iftiinkii nafteyday ubixii jaceylka kuman
arkin adduunyadan intaan ku noolay
ruux aan kugu ilaaboo oo arrintayda
bal meel mariya urukadada
jaceylka la adkaysan wayay
macaney intaan iilka liii dhigin
wax iila qabo adan adan ku
il daranahay macaney…
samanaan badan sadrigayga ku tiil sawirkayda
siminaanta jirkayda iyo soydkayda macan
ayaba wax lasiisto lahayn mar hadii
ay isalanto oo sacabadeyda isaarto
walaahi waan suurmi lahay
sinta ku raari lahay kama siici lahayn
subixii allaha keenaba runtii
suuradada siyaran lahay indhahayga
muuqooda meeshii ay qabtan adiga
mooyane cidkaleto iima muuqata,,,
gacalgaani gaboobay in aan
gooyo gef waye waxan
ganuunka ahayn ana makula
galayo gundigayna aroos
marhadii aan gudi joogno
gambasho waa igu ceeb
gayd inaan uleexdana
abaayo geeriya ka xiga macaney,,,,,,,
dhaxyarey idhageyso
dheehaaga quruxda badan markan
dhaayaha saaro dhiigayga
dhamantiisa wa adiga dheefsi
haba sheegin dhianacayga inaan
joogtid aan dhowrno jaceylkayna
dhibna isla qaybsano dheman
lamooday dhug uyelo hadalkayga,,,,,,,,,
saxiibadeyda hawada iila socdan oo marwalba xiiseya webkan oona weheshanayan waxan idinka balan qadeyna in marwalba an garabkiina taagnano oo niiso gudbino arrimaha jaceylka dadka xiiseya sheekooyinka xiisaha xambaarsan iyo geeraarooyin aad u xiiso bdan oo markaasna ku cajabiya iyo gabay aad u tiiraanyo leh ayan idinku balanqadeyna ......................................................................Caashaq haween waa hora Caadil soo rogaye
Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
Caruurtay sideen meesha iyo ciise nabigiiye
Cidla lagama Beermeen dadkoo cuuddi waaxida e
Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene
Soomaalida caado xune iguma caydeene
Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
Kuwii ii calaacalayey baan camal tusaalayne
Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo
Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya
Curuuqdiyo maxa kale dhex geli cadaha hoostooda
Ma cidaamkanaan jabinayaa cunaya dhuuxooda
Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho lay diidye
Caqliga yaa ka biin tuu Illaah ku cir-cadeeyey
Cimrigayga oon jirin intii lagu cirroobaayey
Mugga inaan caddaadaan ka biqi canab daraadede
Cududuhu ma naaxaan qofkay talo ku ciirtaay
Casharkay wadaadu qoreen cudurkan goyn waaye
Cilmi iyo daawaba doontay oo waayey cilinkiiye
Jeeroonse canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Illayn caashaq lama maydhi karo      ............................................................................................................................................................................dharka la yska saariyo
hadaad dhereka uun eegto
ama aad dhalaal beena
iyo dhedo ku soo guurto
sidii dhidar xabaalah qodaa
ceeb u dhacaysaaye
dheg haweenku leeyahay
midaan eebe kala dheegin
oo waliba dheeraadka dumar
qiimo lagu dheehay
oo sidig dhabeelaan waxbadan
dhuungalow xigaye
ha yeeshee dhambaalkaan furfiuray
waa midaan dhaax hore joogsadaye
bal dhagayso dheegow murtidu dhaxal dad weeyaane
dhexda soohan dherekiyo laxaadka
dhaayihiyo luulka
timo labada dheeg iyo garbaha
dhab u mushaaxayaay
ama dhabanka dheehiyo wejiga
dhalanka loo uumay
sanqaroorka aad dhool curtiyo
dhabiga moodaysid
dhaayaha ku yaaliyo indhahan
dhab u hilaacaaya
sidii dhaal banaanoo
ilaah dhalan ka soo saaray
dhegta loo sar gooyiyo
markay dhoosha kala qaado
ama luqunta dheehooy s
sidii geenyo lagu dhaabay
dhaldhalaaka quruxdeedaa
daruuru dhinaca ka moodaaye
waa ruux dhamaysoo ku daray
weilba dhiidhiye
dhaayaha jaleeciyo
dadkay dhaygag galisaaye
dhugashada kalgacal
maalintraan dhacashada eegay
dhaxantii i qabataa
qalbigu dheeliyaa weliye
dharaartaan xasuustana
wakhtigu waa igu dhalanteede
dheeldheeligaan qabo nin ogi
ima dhaliileene
dhalxash iyo sidii yabaq ka baxay
dhinacyadii hawdka
dhaan nageeye uu xalay heliyo
dhibic laxaad weyn
anigoo hurdada laga dhergiyo
dhagi ka soo toosay
aan dharabka waagii baryiyo
dhaayo kulansiiyay
ama dhaan haraadloo qabiyo
dhuluu ka soo muuqday
ma ogtahay indhuhu
kaama dhargaan inay ku daawadaane
waxaad tahay qof dayn lagu dhaloo waliba dhawrsanoo
dhal magaalo adigaa ah iyo tii wax loo dhigaye
waxaad tahay insaan
lagu dhintoo lagu dhibaatoodaaye
waxaad tahay dhabeel
tii u mdan dheg iyo maamuuse
mana lihdi dhaliil kolay
ku tahay dheehashiyo muuqa
ragbaa dhaqayo foofsada
intuu dhuuniguw galaye
habeen dhaxana duulbaa
yaqaan dhuumashada jaane
dhidib loo yagleeiyo
hadaad xilo ku dheeraato
asaan calaf ku dhaafshiyo
wakhtigu mawd ku dhaxa joojin
waa dhudi nagaysiyo
labaray dhaqasho xoolaadee
dhadhabkaan hurdadad
boodayaa dheelalawga lehe
hadaba dhinac yadaydaan
dayaa dheehashada muuqe
dhaqaaq joogsi gaygaa
khalqigu igu dhaliilaaye
dheecaanka sooreed iyo
marbaan dheefta qaab sadaye
haduu dhugato qabo
geelu waa golongol dhuubtaaye
Dhaaxuu ku taamaye
Cilmi bay dhacan ka saareene
Aniguna Dhirbaaxadaan
jacayl waw u dhutinayaane
Dhaga awdmay dhaantada ruuxdiyo
dharab la loolaaye                     
Dumarkaba Aduunbaa
Iigu Dhaga nuglaayoo
Aan soo Dhaweeyee

Dhaawicii horeen qabey
Waxad tahey dhakhtaradii
Mudo iga dhayeeysoo
Waad i dhiiri galisee

Hadii aad dhaqaaqdood
Inaad Dhoofto jeceshahey
Gaadhigaa dhakhsanayee
Kusidaa ma Dheeliyo
Uma seexdo Dhinacyada

Ilaahey Dhantaalkiyo
Kuma tuso Dhibaatoo
Ayaan Dhalad nasiibliyo
Mid hoodale hakaa dhigo

Adaa dheeman iyo luul
Iyo dhagaxa dahabka ah
Qiimiga wax dheeroo

Adigaa dhir ubax
Iyo dhool aroor da'ay
Dhul xareedi wadhantahey
Uga dhigan nafteeydee

Haduu taarku soo dhacey
Dhawaan soo bax kugu yidhi
Dharaar qudha aduunyada
Hanti aad ku dhaqatiyo
Ha ka waayin Dharagoo

Ilaahey dhantaalkiyo
Kuma tuso dhibaatoo
Ayaan dhalad nasiibliyo
Mid hoodale hakaa dhigo.

C/qani waxa uu aad uga fekerayey sida uu fanaanku u amaanayey gabadha isga oo ku tilmaamayey dheeman, luul, dhagax, dahab ah iyo weliba sida wanaagsan ee uu ugu duceenayey isaga oo leh ilaahay ha kaa dhigo mid nasiib leh hoodan leh oo ayaan dhalad ah , isaga oo halkii fadhiya ayaa waxaa u yeedhay wiil ay saaxiib ahaayeen kuna yidhi kaalay walaal caawa waxaan ku barayaa dhalin yaro badan oo ay ka mid tahay gabadh in badan halkan joogtay yaraanteediina timi oo halkan inta ay wax barasho ka bilawday hadana shaqaysata. Wiilkii oo la odhan jiray xasan sidii uu u soo waday C/qani ayuu wuxuu hor keenay Hodan oo quruxda aad moodeysid qoftii uu fanaanku u heesayey,C/qani wuxuu markiiba galay dareen dheer wuxuuna sidii qof walaalan oo kale u eegay gabadhii, xasan ayaa la yaabay kuna yidhi maxaa ku helay walaal barasho wanaagsan gabadhan waxaa la yidhaahdaa Hodan, hodan walaal wiilkan waxaa la yidhaahdaa C/qani wuxuuna halkan joogay in muddo ah oo jaamacadna waa dhigtaa waana shaqaystaa.. Aduun subaxba waa cayn oo hore ayaa loo sheegay ee Hodan maba aha qoftii hore ee uu jeclaaday C/qani markii ay waddanka South Afirca timi waxay la qabsatay nolosha halkan waana ilawday wixii yaraanteedii iyo jacaylkii ay soo sameysayba, C/qanina waxya u baratay sidii qof cusub oo hada ay barashadoodu isugu horeyso C/qani se wuxuu dareemay in ay tahay Hodan ileen qof wax jecel ma anbadee wuxuuna go’aan ku gaadhay in uu marka xafladu dhamaato sii dhaweeyo si uu wax walba u ogaado.           Markii xafladii dhaamtay waxaa qof walba aaday gurigiisii dadka intii is garaneysayna waa is raaceen C/qani oo baabuur watay waxaa u suurto gashay in ay soo raacaan hodan iyo laba gabdhood oo kale wuxuuna markii uu labadii hablood ee kale gurigooda geeyey u suurto gashay fursad uu ku wareysto su’aalana ku weydiiyo hodan isaga oo sheekada uga bilaabay hodan walaal su’aal aan kuweydiiyee weligaa waddankaagii hooyo ma aragtay haa walaal ayey hodan la soo booday aniga oo yar ayaan ka imi  isla markiibana waxay Hodan gudo gashay in ay C/qani uga sheekayso nolosheeda iyo wiilka ay sida xad dhaafka ah u jeceshahay ee Shaakir iyada oo ku tidhi C/qani walaal waxaad tahay qofkii u horeeyey ee aan noloshayda si daacad ah uga sheekeeyey runtii waxaad tahay wiil walaalkay oo kale ah.  Markii ay kelmadaa tidhi waxaa C/qani ka soo gabax tidhi ilin xiligaana waxaa u baxaysay heesta ay ku luuqayso Deeqa Bilan.
Orod iyo ayaan
Labadaba ogoow
Waa la aaminnaa

Indhahaygu daymada
Siday kuu eeggayeen
Iyeey ilmadu raggax
Ay ka tiri raggax

Afar iyo tobnaad
Dayax oogta hore
Qorax kala ordeen
Ileyska iyo nuur
Ayaad ii tahee

Araxda igu qaad
Uurka ii banee
I liq oo I hay
Albaabbada wadnaha
Intifaaca iyo
Ubax iigu keen

SIDAAN ANNIGU KUU AHAY
ADNA II AHOOW!

Aqoon iyo afgarad
labada oggoow
Waa la irkaddaa

Aqligaygu garashada
Siduu kuu aawilaayaad
Illeys baxay u tahay, u tahay

Onkod iyo hillaac
Saxansaxo udgood
Ilcas iyo xarreed
Eegmada ku wacan
Ayaad ii tahee

Araxda igu qaad
Uurka ii banee
I liq oo I hay
Albaabbada wadnaha
Intifaaca iyo
Ubax iigu keen

SIDAAN ANNIGU KUU AHAY
ADNA II AHOOW!

 Markii ay Hodan aragtay ilinta ka daadaneysa dhabanadiisa ayey ku tidhi walaal maxaa ku helay ee aad la ilmeysay ma sheekada is oo martay ayaad ka naxday. Maya ee walaal guul darada jacayl ee i garabsatay ayaan ka naxay runta hadii aan kuu sheegana anigu waxaan kuu jeclahay si xad dhaaf ah ilaa yaraanteydii ilaa hadana waan ku jeclaa dartaana waxaan u daayey hablo badan wuxuuna C/qani gudo galay in uu noloshii ilaa yaraantiisa uga sheekeenyo isaga oo xasuusiyey jacaylkii ay wadaageen Hodan se waxay si badheedh ah oo aan shaki ku jirin isaga indha tirtay C/qani kuna tidhi waad edeb darantahay waxaagu ma waan ku arkay oo ku caashaqay miyaa? goorma ayaad i jecelayd oo aan jacayl kula sameeyey waar waad indha adagtahay ee isdeji teeda kale meeshan maaha Laas -Caanood ee waa South Africa oo yurub waxba kama dhacdo hana isku dayin in aad mar danbe horteyda soo istaagto.C/qani wuxuu u qaadan waayey waxa dhacay iyo sida ay isu bedeshay nolosha Hodan wuuxuna isaga oo is ciil kaambinaya ku hadaaqay heesta ay ku luuqeyso Sahra Axmed ee….
Naf ku jecel Aduunyada
Baa ugu  wacan wax nololoo
Nabad lala wadaagoo
Nimco lagula waaree

Ma nugliye kalgacalbaa
Naar iyo ka daran olol
Markuu nugeyga kaa galo
Nabar weeye halisee

Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo

Anna haddii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo

Nacab iyo Sokeeyaba
Neefteeydu diidoo
Ma nastoo jacaylbaa
Nadi ila haleelee

Igu noqey mid halisoon
Kaba nuuxsan waayoo
Naaftoo qalbigii buu
Nudub iga sameeystee

Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo

Anna hadii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa
Nasiib ha igu kaa simo

Neecoow da'aysoo
Onkodna nawda ku hayaa
Igu heshey Nugaaloo
Kaligey ku noolee

Adna keymo baadliyo
Dhul naruuro joogtaa
Naxdin li' ku hurudaa
Nabsi dhoowri mayside

Ee taa naqdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Ha iga moodin nacasnimo

Anna hadii aan ku naawiley
Naqba waa la dhawraa

Nasiib ha igu kaa simo                                             
Dhalinyaro dhismaha luuqdiyo
dhaqan goobeed sheegtay
Ama duul is dhalay oo
wax badan dhoof ku kala baday
Dharaartaanu kulanaa
kal gacal nalagu dheehaaye
Inkastoo ay mudada dhaawacdo
waan dhur sugayaye
Dhimashada horteed
Waa rugtaan heeryadii dhigaye
Waxaa Gabaygan tiriyay Cilmi Boodhari