Sunday, April 13, 2014

maahmaah

 1.Aadme la aragyaaba, dhib la arag.
2. Aan wada hadalno waa aan heshiino.
3. Aar qoyey dacawo la mood.
4. Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
5. Abaal raaga rag baa leh, mid baaqdana haween baa leh, mid soo dhakhsadana xoolaa leh.
6. Abeesada taan sanqarta iyo tan aammusan, tan aamusan baa la qaatay.
7. Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa waadaadna dad u eki.
8.
9. Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa
10. Aburku inta aanu kugu tufin ayaa lagu tufaa
11. Aburku intaanu kugu tufin, baa lagu tufaa.
12. Abuur iyo waano abuur baa horreysey.
13. Adduun i khatal.
14. Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
15. Adhi been wuu didaa beense ma dhutiyo.
16. Adhi jiri ma kala abaal waydo.
17. Adhi jiri xil bay wadaagtaa.
18. Adhi magantii ma barriiyo.
19. Adhi shidho laga daayo.
20. Adhi-jiri ma kala abaal weydo.
21. Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
22. Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
23. Aduun wey ki amoodeey ogaaw.
24. Af aamusani marti ma sedo.
25. Af aanad aqooni aabahaa wasna waa kaa yeedhsiiyaa.
26. Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
27. Af aanad lahayn lama qabto.
28. Af ama reer aw mahdi ha ku hadlo ama lo' ha ku daaqdo.
29. Af daboolan dahab.
30. Af Daboolan, Dahab waaye.
31. Af hadlaaba aamus.
32. Af jabtay sideedii ma noqoto.
33. Af jooga looma adeego.
34. Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
35. Af nooli waa hadlaa Eyna waa ciyaa.
36. Af noolina waa hadlaa eyna waa ciyaa.
37. Af waa kane, maxaa lagu aamaa
38. Af wax cunay xishoo.
39. Afar gacmood abaar ka daran (Hunguri weyni waa cudur).
40. Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi; Geenyaan gadan
41. Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
42. Af-ka nool abooto mudac.
43. Afkaad goojaamo kaga keentay kula hadal.
44. Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
45. Afkii dab yiri ma guban.
46. Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto
47. Ag-joog, Ninkii xilo doonayowna Xamaro agjoog.
48. Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
49. Alla aamin ma iisho.
50. Alle watow wehel uma baahna.
51. Allow aqoon xumo hannagu caabin eexona hannooga tegin
52. Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
53. Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
54. Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
55. Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
56. Ammaan lama dhu-dhumiyo.
57. Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
58. Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
59. Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
60. Amxaaro madax gumac galay leedahaye madax hadal galo ma laha.
61. Aqal libaax lafo lagam waayo62. Aqoon la'aani waa iftiin la'aan.
63. Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran)
64. Arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh.
65. Aroos lagama raago, lagumana raago.
66. Arrad waa dan uskagse waa doqonniino
67. Arrimo rag waa mudacyo afkood.
68. Arrin aan sidii futo riyaad la feydin, ma fayoobaato.
69. Arrin kaa tagtat Ahaa sooma celiso.
70.Arrin xumo abaar ka daran                           

maahmaah xarafka B

.1. Baadi nin aan lahayn bay agjoogtaa
2. Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa.
3. Baareey guur, oo sixnigaagana la guur.
4. Baddu waa isku dhadhan.
5. Badhi mag ma laha.
6. Balaayo laba qad ha kuu jirto.

7. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha.
8. Balaayooy buulkaagaa laga galaa.
9. Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay.
10. Ballaysin bir ka adag.
11.Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa.
12. Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya
13. Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado
14. Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa.
15. Barasho horteed dad ha nicin
16. Barasho horteed ha i nicin

17. Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto.
18. Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan.
19. Barrooriba buulkeeday ku hartaa.
20. Bartii yaqaan, bari uma korodho.
21. Bartii yaqaannbar xoolaad kuma korodho.
22. Baruur qudhuntay baa baruuro badan qudhmisa
23. Baruuro sabool, badhaadhaa leh.
24. Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa.
25. Baryo iyo is daluuc layskuma daro.
26. Basari buulkeeda bayaayo waaye
27. Baso waa baso si kastoo loo subko.
28. Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan.
29. Beec-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye.
30. Been doode been buu dhaartaa.
31. Been fakatay runi ma gaadho.
32. Beeni raad ma leh.
33. Beentaada hore runtaada danbay u xuntahay.
34. Beentaada hore, runtaada dambey dishaa. 
35. Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay. 
36. Beer wax dhalow ba' 
37. Beerka jecli, xaydha jecli. 
38. Belaayo aanad guriga keensan banana kaama raacdo. 
39. Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso. 
40. Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto ma leh.
41. Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho.
42. Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay
43. Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
43. Bidaari sibiq bay kugu gashaa.
44. Bilaysini Bir ka adag
45. Bililiqo doon waa nabad diid.
46. Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso
47. Bir baa bir goysa.
48. Birta adag dab ayaa lagu jilciyaa.
49. Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood
50. Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso.
51. Biya sar tegey waa la sugayaa
52. Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan.
53. Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday.
54. Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen.

56. Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa.
57. Biyo socdaa biyo fadhiyey kiciyaan.
58. Boqol sano oo dawlad xumo ah, hal habeen oo dawlad la'aana baa xun.
59. Boraan hadimo ha qodin ku dhici doontaa mooyee
60. Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa
61. Buur caws ah oo biyo ku agyaal baadi doonyoo biciidkuba waa 
62. Buurta Saw iyo Sogsogley iyo Samow Boorame                                                                        

maahmaaho xarafka C

. Caana daatay qabasho ma leh
2. Caano baqay haddaad aragto, waa bi'iso naagood.
3. Caano Jiilaal canba canbid.

4. Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa.
5. Caasigaa iridkaaga ma mooga, baarri dadow dad kuuma noqdo.
6. Cabaabiba cadaab bay ka subxaanalaysataa.
7. Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay.
8. Cadho walaal waa la bariyaa (waa loo dulqaataa walaalkaa
9. Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil. 
10. Calafkaa, nin ku rabaa baa haya. 
11. Caleen qudhac calool geel ma buuxiso. 
12. Caleen qudhac calool geel waxba kama tarto. 
13. Cali noolba wax sii. 
14. Calool adayg waa illaahay wehelkii. 
15. Calool rag waa webi xagaa. 
16. Canaan ka yaab ceesaan ma doojo(waa lagu canaanan dantaada looma seego). 
17. Canaan ka yaab reer ma doojo. 
18. Canbe laf baa ku jirta. 
19. Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa 

20. Caqli gaaliyo indho quraanjo lama arko. 
21. Caqli: Dugaag sankuu ka galay; Xoolo, sankuu ka galay; Rag, xabadkuu ka galay; Naago, indhuu ka gala 
22. Car faruurow foori gaalee? 
23. Carab 24. Carab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw iyana way is qaniinaan. 
25. Carab loaad caws looma tilmaamo. 
26. Caro walaal waa la bariiyaa (subax baa lala sugaa).
27. Carraabo, fadhaa quusiyey
28. Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama garto.
29. Carruurey cayntaa ba´day.
30. Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh
31. Carruurta mulaca cayaar cayaar bay u dishaa, isagana waa u qur gooyo
32. Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu daraa.
33. Caruuri waa ciil laga waynaado
34. Casaan qurux kama qatana.
35. Casarkii wixii kugu dhacaa cishihii lagugu caayaa.
36. Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo
37. Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego.

38. Ceel biyo lihi ma foga.
39. Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa.
40. Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa.
41. Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa saarta (fuula, u baxa ama ka qabsada).
42. Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar
43. Cidlo ciirsi m leh.

44. Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan
45. Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laabna.
46. Cirmigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa.
47. Ciyaar baa dhab u gadoonta.
48. Ciyi waa ka beryey.
49. Ciyigii waa ka beryey qofkii cunay baa ka liita.
50. Ciyowga habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu dareemay
51. Col hortii baa hub la samaystaa.
52. Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa.
53. Col iyo nabad mid baa caynka lagu xejiyaa
54. Col ku galay cabsi kugu reeb. 
55. Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kcday midna ma sahal kuma qaboobo. 
56. Colka wadhaf ma lagu dayey. 
57. Colkaa ma dhamaadee ka kuu xigo ha u danbeeyo.
58. Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho.
59. Culimo dad u eki bay kugu dishaa, abeesona dhul u eki.
60. Cuntadaan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kala raagaan                                            

maahmaaho xarafka D

1. Daacadi ma hungowdo
2. Daahdaahow hortiis dafo waaye (Arrin degdeg u baahan lagama daaho sida heblaayo aad ogayd ooy hebel 
3. Daawo tiro wax kuma tarto 
4. Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid. 
5. Dab ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo 
6. Dab iyo xanuun meel ma wada fadhiistaan. 
7. Dab munaafaq shiday baa duul dhan guba.
8. Dabaan kuleelkiisa la arag danbaskiisa lagama leexdo.
9. Dabada iiga qor anigaa durugsan doonee (Ma dhiirrado nin aan garab wax lagula dhisayni). 0. 10.Dabagaale timir gaari waayey qaraara buu yiraahda'.
11. Dabalaay gooji ama ha goojin geela gu'ga dhalay uun baa lagugu tirin.
12. Dabeecad xuma dad kaa saartay.
13. Dabeecaddu diinta waa ka badh.
14. Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa.
24. Dad waxa ugu muran badan jaxar iyo jaahil 
25. Dad waxa yaqaan nin tuugsaday iyo nin u taliyey. 
26. Dad waxaa yqaan nin tuugay iyo nin u taliyey. 
27. Dadku hadalkay isku afgartaan xooluhuna urta. 
28. Dadqal looma gurguurto. 
29. Dagaal qofbaa ku dhintee qof kuma dhasho. 
30. Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta. 
31. Dal aqoon la'aan waa la habaabaa, dad aqoon la'aana waa la qadaa. 
32. Daleel marow maradiis geed ma daarow 
33. Dameer dhaan raac. 
34. Dameer waa dameer sidii goodirkaba haw boodee 
35. Dameeraha Adari qofkii oodda ka qaadaa aroorsa. 
36. Dameeraha Awdal ninkii ooda ka rogaa arroorsha 
37. Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul. 
38. Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan. 
39. Dameeri dhaan raacday. 
40. Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa. 
41. Dameero awdalan ninkii ooda ka qaadaa arooriya. 
42. Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay. 
43. Dameertu inta aanay cida baran ayey dhuusada barataa. 
44. Dameertu isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa. 
45. Dameertu ma hadhsato ilmaheedana ma hadhiso. 
46. Dammeeraley Dad la xeer maaha. 

47. Dan iyo xarrago is weyday.
48. Dan layskuma naco.
49. Dani waa seeto
50. Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa
51. Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo.
52. Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa.
53. Dantii mooge, maro duuga ka liitee.
54. Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya
55. Darandoorriyaaba naas-naasi (Nin ordaaba istaag
56. Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey meel laga bilaaboayey leedahay
57. Dardaaran waa inta xayga la yahay.
58. Dawaco geel ma cunto. 
59. Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu bakhtidaa 
60. Dawarsato dariiqay ku collowdaa. 
61. Deero waa dal maddays. 
62. Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa 
63. Deriskaaskaa m64. Dhabada yari dhabada wayn bay kugu ridaa. 
65. Dhac dushii laguma wada hadlo. 
66. Dhadhan shaa waalan dhergaana ka sii daran. 
67. Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa 
68. Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer 
69. Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid 
70. Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee? 
71. Dhalaan dheelaa baradi,dhusuntaa far koo galiyee = Dhalaan (caruur,ilmo,ubad)ciyaarta bartay dabaduu 
72. Dhalaan qayladu waa qaboonada. 
73. Dhaliili dhaban bay ku taal. 
74. Dhalinyaro dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbay leedahay. 
75. Dhallaan dhargay fartaa loo lulaa (way iska qoslayaan) 
76. Dhallaan qayladii waa qaboonada. 
77. Dhar kaa dheer dhaxan kaama reebo. 
78. Dhaxal gorayo dhabad baa leh. 
79. Dhaxal goroyo dhebed baa iska leh. 
80. Dhedo roob noqon weydey 
81. Dheere iyo gabane un baa jiree, Dhuubane majiro. 
82. Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro. 
83. Dheg haddii la jaro daloolkaa hara. 
84. Dheg wax xun maqlaysaa wax wacan ma weriso. 
85. Dhegta hadii la gooyo daloolkaa hadha. 
86. Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye. 
87. Dhib lagula qabo dhib ma eh. 

88. Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa.
89. Dhidar xabaalo qod bartay qudhin buu uga dhacaa.
90. Dhiig islaan ma qarsoomo.
91. Dhiil maran iyo dhiil buuxa la iskuma dhufto (Wax aan isu qalmi la isma dhaafsado).
92. Dhilaa la waaniyey markaasay tidhi ii dhakhsada rag bay sugayee.
93. Dhillo, intaadan dhillo oran bay dhillo ku tiraahdaa
94. Dhilo garcatay mar horey ku nabad gashay.
95. Dhoofaa kaa dhimay! (bal tan ka warran, ma run baa?)
96. Dhoofaa kaa dhimay.
97. Dhool bari ka soo kacaa dhaan loo nageeyaa.
98. Dhubuq-dhubuq hore dhabanahays dambey leedahay.
99. Dhur waa la tegis bartay ka ridistu waa ku ceeb.
100. Dhurwaa dhoomo laguma rarto.
101. Dhurwaabaa lagu yidhi fool xumadaa, markaasuu yidhi walaalkay weerana ma aragteen.
102. Dhuumashada dhabarku muqdo dhuumasho ma aha.
103. Dib u gurasho dib bay kuu dhigtaa.
104. Dibi hooyo xumi hore uma koro.
105. Dibi hooyo xumi korme ma noqdo.
106. Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo.
107. Dibi, bay waw dhutiyaa.
108. Diidiink wma danbar manuujiyaaw = Diinku ubadkiisa eegmaduu ku koriyaa.
109. Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa
110. Dixrigu(duqsigu) dantiisuu qudhunka ugu jiraa.
111. Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa. eelshee deymoodaa ka koriyee
112. Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa.
113. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso......
114. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo kurug, kurug ma dhaafeeyso.
115. Dooro qoor qabasho biyo kuma cabto.
116. Dooro xaarka way wada cuntaa, af-tirashadeyse isku dhaantaa.
117. Doqon alle bariday xeradeeday ka aragtay.
118. Doqon dib bay wax ka garataa.
119. Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan.
120. Doqon iyo habeen baa madaw.
121. Doqon milantay iyo geesi damac bartay dhexdoodaa miidaamo ka hacdaa.
122. Doqon nebi Muusaa habaaray
123. Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto.
124. Doqon sokeeye maaha.
125. Doqoneey dabkaa ba
126. Doqoni amaanay lahayn bay u rixisaa. 127. Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa
128. Doqoni calaf ma leh.
129. Doqoni haddii nla xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa.
130. Doqoni hoosiis bay had mooddaa.
131. Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiye sema oga.
132. Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meer meerisaa.
133. Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo
134. Doqoni sokeeye ma aha.
135. Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa.
136. Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa.
137. Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
138. Doqoniino waa shil.
139. Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; "Maxaa la iiga farxi berriba waan lumiye.
140. Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa haday garan waydana goshaa oo geshaa.
141. Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil.
142. Doqontu hadalkay dib u gocotaa*
143. Doqontu marka la ficil tamayo in laka tagayo ayey moodaa.
144. Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso. 145. Dudumo dheeraataa dhulkuun bay ku noqotaa.
146. Dudun dareen ii dugsasho inis ki dartooy = Dudun dareen iyo dugsasho,ha iskugudarin.
147. Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy.
148. Dukhsi biyo ku dabaal bartay fuud buu ku bakhtiyaa.
149. Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu jiraa.
150. Dukhsi dantiisuu dumurka ugu jiraa.
151. Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre?
152. Dul qaadasho yey noqon tii dibiga
153. Dumaal ni ka xishooday kama ilmo dhalo.
154. Dumar iyo dheri toona yar yaraysi malaha.
155. Dumar yaryaraysi male
156. Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa.
157. Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa
158. Durduro geel baa ku jaba.
159. Durduro waxarood xanan(qodax) bay kula gashaa.



15. Dacartuba mar bay malab dhashaa.
16. Dacas iyo dameeraba lama kala laha.

17. Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan.
18. Dacawadii tallaabada nebiga ku dayatay, teediina ka tagtay tu kalena gaari weydey.
19. Dacawo duul-duul badan af libaaxeey dalaq dhahdaa.
20. Dad iyo weel godanba waa la badsadaa (weelka godan biyahaa ku urura)
21. Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hanfiyaan.
22. Dad wax ugu liita ma tashe ma toshe ma tashiishe.
23. Dad wax yar tare ma ahee, wax ma tare ma leh.

maahmaaho xarafka E &F

1. Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin.
2. Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso.
3. Eydin geel kolba waa ninkii ku danbeeya.
4. Eygii oo laf diiday ma noola
1. faan badan iyo faq badaniba na wacna. 
2. faanoole fari kama qodna 
3. fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa. 
4. falaadhi gilgilasho kaagama godo. 
5. Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo 
6. Far bugtaa, Faro ka dheer. 
7. Far iyo meel bugtaa is og. 
8. far kaliyihi waji ma maydho. 
9. Far keliya Fool ma dhaqdo. 
10. faras aanad lahayn fuul madiisa futaqaradh baa laga qaadaa 
11. Fardaha dheereeyaa Fagaarahay isku arkaan. 
12. fardo laysu hayo maxaa laysugu faan. 
13. farihii dufan leh ayaa wax duuga. 
14. faro ka ciyaar dabo ka ciyaar baa dhaanta. 
15. Farsamo xumo, futada cankeeday ku goysaa
16. Faruurow maxaa berbera ku geeyey? Dee faduul!
17. fulay hooyadii ma goblanto.
18. fulay wax ka wadne weyn
19. fulay wax ka qoryo badan.
20. fullaw guuli kuu dhawaydaa.
21. Futo iyo dhul isma huraan

 

maahmaaho xarafka G

2. Gaashaan qaad ma anbado.
3. Gabadh nin dhali karaa dhiqi kara
4. Gabadha dheg-dameer in leeg baa ku dansanta wiilkana in til leeg baa ku darsanta
5. Gabadhi waa meel xun joog.
6. Gacani waa miskiin.
7. Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa.
8. Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa?
9. Gacmo wada jirbay wax ku goyn karaan.
10. Gadal gadaal geed looma koro
11. Gadhba gadhbaa la tusaa.
12. Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay
13. Gar waa loo wada islaam
14. Gardarraa ma guulaysto
15. Gardarro looma garbo yeelo.
16. Gari ilaahay bay taqaan
17. Gari laba nin kama wada qosliso.
18. Gaws iyo gustoona layskuma ag dhaqdhaqaajiyo.
19. Geed joog gartii waa yaqaan, laga dhimayna dhaxalkii waa yaqaan.
20. Geed walba in gubtaa, waa hoos taal.
21. Geel carruuri qaaday ma foga.
22. Geel caruuri qaaday ma foga.
23. Geel darreeray nin ka dayrshay ma awliya allaa
24. Geel indho kuul muxuu ka kasaa?
25. Geel laba jir soo wada mar.
26. Geel soddon qaday, saddex kuma dari waayo
27. Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geel
28. Geel-jire isagooy ushu u goantahay ayuu xaggeen ka goostaa ku yidhaa.
29. Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa
30. Geelow geed walba daaqdaye, markaad ciin daaqdaa laguu yaabaa.
31. Geeri nimaan aqoon iyo geel jiray ku wanaagsantahay. :)

32. Geeriyu nin aadan aqoonin iyo geeljiray ku roomntahay.
33. Gees loaad kulayl kaa lagu jaraa.
34. Gees lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa.
35. Geesi allaahay ma xilo.
36. Geesi, alle ma xidho.
37. Gobanimo waa joome.
38. God hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid
39. God mar ku asturay xumaantiisa lama sheeg sheego
40. Gorayo la hub sayoo haad bay noqotay.
41. Gorgor, haadda ka weyn.
42. Gorgortan saaxiib iyo walaal toona ma yaqaan.
43. Gudineey ima goyseen, haddaan badhkay kugu jirin.
44. Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn.
45. Gumur uraasa, weyne gurudee (gumur wey urtaa waana lagurtaa)
46. Gurbaan garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo.
47. Guur marka hore waa sino dhuuban yahay, marka dambena waa sino ballaaran ahay.
                                      maahmaaho xarafka H
1. haad habeen kacay waxbaa kiciyey.
2. haani guntay ka tolantaa.
3. habaar waalid ma hadho.
4. habar baas inan baas bay ahayd.
5. Habar caal weydey durey bay hafartaa
6. habar dhali wayday aleelo ku waalatay.
7. Habar fadhida legdini wax uga fudud
8. Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa
9. Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa.
10. Habeen ciidan maaha
11. habeenkii hoos baa loo hadlaa maalintiina hareera haa layska eegaa.
12. hadal aan fiiro loo odhani wuu kula fogaadaa, caano aan fiiqsi loo dhamina feedhahay wax yeelaan.
13. hadal badani haan ma buuxsho.
14. hadal hadal kama dheera.
15. Hadal intaadan buu ammaan yahay
16. Hadal iyo hablaba duco la'aan bay tarmaan.
17. Hadal iyo hilbaba kala qalan.
18. hadal lama wadaagee caanaa la wadaagaa.
19. hadal nin badiyeyna ma dhamayn nin yareeyeyna waxba kama tegin.
20. Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin.
21. Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday
22. hadal tuurtuur kuma sama.
23. hadal waa dheh iyo dhagayso.
24. Hadal waa la kala odhan og yahay illaahayna waa la kala bariyi og yahay.
25. hadal waa margi.
26. Hadal waa mergi hadba meel u jiidma
27. hadal waayeel waa guudmar..
Hadal yar iyo hawl badan.
28. hadalaw nin si kuu yidhi hawraarayna ninba si kuu qaaday.
29. hadalka kiisa kulul iyo kiisa qaboobi meel buu isugu tagaa.
30. Hadalka wanaagsani waa sadaqo
31. hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay.
32. Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay.
33. hadalna sii dhehbaa diley hanbana sii hudhbaa dishay.
34. haday fooli timaado gudo qarsiimo reeban.
35. hadba sidii loo jabaa loo dhitiyaa.
36. haddaad been sheegayso been run u eeg sheeg.
37. haddaad hungurooto waa la hadlaa oo habaa la dhisaa wax laug helo.
38. haddaad tagto meel lagu il laayahay ishaa layska ridaa.
39. Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa.
40. Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday.
41. Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan
42. Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd.
43. Haddii aan la kala roonaan roob ma dao
44. Haddii uu deg degsiinyo door dhalo raagsiin yuhuna kiish lacaguu dhalaa.
45. Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa.
46. hadii aad dhimanayso dhareerkaa layska duwaa.
4748. Hal libaax arkaysaa ma godlato.
49. Hal libaax arkaysaa ma godlato.
50. Hal maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa.
51. Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh.
52. halmaan hadal kuma jiro.
53. Hamba soor ma eh
54. Hangaraarac lug uma dhutiyo.
55. Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh
 56. Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey
57. Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa.
58. Hawli jid caddeysay.
59. Hawo iyo hoos galbeed labadaba lama gaadho
60. Heeraa wan ma eh??
61. Heesta geelu waa kala horreysaa.
62. Hilib beer laga dooray waa weyd.
63. Hilib hal dukhsi ayaa qudhmiya
64. Hillaac biyihiisuu muujiyaa.
65. Hoonbaro libaax bay soo wadaa.
66. Hooyadii ka guure habar yartii kuma negaado.
67. Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo.
68. Hubsiimo hal baa la siistaa.
69. 70. Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa
71. Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag ma aha
72. Hurdo cagahay ka bilaabataa.
73. Hurdo habar ma koriso.
                maahmaaho xarafka I
.1. Ibtilaysan ayaa belaayo tilmaanta.
2. Il ibtilaysan ayaa balaayo tilmaanta
3. illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa.
4. In habari gasho, hali ma qaado.
5. Inantay hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadintay barataa.
6. Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa.
7. Indho is jecel isma eegi karaan.
8. Inneen daaman nool ma daalaan, oo dad baan nahay kaama daayaan.
9. Inta aanad falin ka fiirso.
10. Inta gaari la doon-doonayo, ayaa goombaar wiilkeedu ciidamiyaa.
11. Inta jiillaal loo adkaysto, jir looma adkeysto
12. intaadan falin ka fiirso
13. intii orod jirey, kuftinna way jirtey.
14. Irrid af ma daboole ee ood baa daboosha.
15. Ishaadaa kuu macalin ah.
16. Ishaadu waa kula da' dhegtaaduna way kaa da'wayn tahay.
17. Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay
18. ishiisa laga gartaa, ushiisa lagu tumaa.
19. Isla weyn, dooro weyn.
20. Isma hubsato aroorkeeda ka mashxaradaa la yidhaahdaa.
21. Isma'og aqalkiibay aslaysaa.
22. Isu qabe aan loo qabin.
            maahmaaho xarafka J & k
1. jacayl biri ma gawso.
2 jacayl Biri ma goyso Biyana kaama maydhaan
3. jidh qalaad waa dhul qalaad
.4 jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis
 5. Jinni, Ninkii keenaa bixiya
1. kaadi badane waa loo gogol badiyaa.
2. kab xume ma hadhee kab laawaa hadha.
3. Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba
4. karis xun iyana ku wax la'
5. Kelyo nimaan lahayn bay kaadiyi dishaa
.6 Kibir waa lagu kufaa
7. kibir wuxu kaa saaraa hadhka meelse kuma geeyo
8. kibiraw kab iga xoor faanawna far iga jabi.
9. Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Illaah baa baday.
10. Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma furfuro
11kolka waylaha la helo ayaa loodana la maalaa
12. kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho

No comments:

Post a Comment